Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo lagu cadaadinayo in Hargeysa kusoo dhaweeyaan Madaxweyne Farmaajo

Ra’isul Wasaaraha dowlada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in uu wado qorshe uu isugu soo dhaweenayo Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland.

Abiy Axmed ayaa dhawaan magaalada Adis Ababa ku kulansiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi, kulanka labada masuul ayaana laga bixin faah faahino badan.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Xukuumada Somaliland ku cadaadinayo in Madaxweyne Farmaajo yimaado Hargeysa laguna soo dhaweeyo.

Waxa uu xusay Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland in Xukuumada Muuse Biixi hogaamiyo ka diiday codsiga Abiy Axmed balse mar kale kusoo celiyay codsiga ah in Hargeysa yimaado Madaxweyne Farmaajo.

“Annagu waxa aannu leenahay ha noo keenin laakiin haddii uu la yimaado dee dilimayno laakiin nin Soomaaliyeed oo Abiy, la socda ha ahaado” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland.

Hadalka kasoo baxay Gudoomiyaha ayaa kusoo aadaya xili aad loo hadal hayo wararka sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu wehliyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya socdaal ku tagayaan magaalada Hargeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Masjidka ugu weyn, uguna quruxda badan Afrika oo xariga laga jaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Maraykanka oo liiska argagaxisada ku dartay Abuukar Cali Aadan iyo xubno kale

Caydiid Ali

R/W Kheyre oo si adag ula xisaabtamaya Wasiirada Xukuumadiisa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---