Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa xukun xabsi ah ku riday masuul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo lagu helay in uu horey uga tirsanaa Xarakada Al Shabaab.
Maxkamada ayaa sadex sano oo xabsi ah ku riday Ku Simihii Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir, Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) oo lagu helay in uu katirsanaa Al Shababa isla markaana uusan soo marin Habka Is Diiwaan Galinta Dadka ka haray Fikirka Al shabaab.
Masuulkan xukunka lagu riday ayaa laga soo dhax xiray xarunta gobolka Banaadir , waxaana xarigiisa yimid kadib qaraxii lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow.
Dhinaca kale Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa dambi ku weysay Cabdulaahi Cabdi raxmaan Maxamed oo walaalo ahaayeen Basiira oo agaasimo ka aheyd gobolka Banaadir oo lagu eedeeyay in qaraxii xarunta ka dhacay iyadu ka dambeesay.
Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayey maxkamada fartay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa Cabdulaahi Cabdi raxmaan Maxamed oo maxkamada ciidamada sii deysay kadib markii dambe lagu waayay.
Shaqaalaha dowlada Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay kamid yihiin dad horey uga soo mid noqday Al Shabaab kuwaa oo qaarkood dowlada isku soo dhiibay soona maray nidaam halka sidoo kale jiraan kuwa isaga haray kooxdaasi oon isdiiwaan galin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com