Allbanaadir.com
NEWS

Faah Faahino kasoo baxaya Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari nuuca dagaalka ah oo loo yaqana Cabdille Bille oo marayay laamiga isku xira Isgooska Xoosh iyo Isgooska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa haleelay gaariga Cabdi Bille ah , waxaana la sheegay in qaraxaasi khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray ciidankii la socday gaariga qaraxa haleelay.

Ciidamadii qaraxa ka bad baaday ayaa la sheegay in ay rasaas kor u rideen markii uu qaraxa dhacay kadib, waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo kale oo katirsan dowlada oo u gurmaday ciidamada la qarxiyay.

Qaraxyada Miino ee lala eegto ciidanka dowlada ayaa inta badan ka dhici jiray laamiga isku xira Afgooye iyo Muqdisho, waxaana qaraxan maanta daqiiqado kooban saameyn ku yeeshay laamiga isku xira Xoosh iyo Ex-Koontarool Afgooye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Shirar Xasaasi ah oo looga hadlayo xayiraadii safarka Sheekh Shariif oo Muqdisho ka socda

Cabdi Cade

Dad u dhashay dalka Jabuuti oo laga daad-gureeyay dalka Sudan iyo Diyaarada …

Cabdi Cade

Maxkamadda Racfaanka oo go’aan kasoo saartay dambiyo lagu soo eedeeyay labo Agaasime guud hore

Cabdi Cade
Taboola Ads ---