Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Qaar kamid ah Ciidamadii dowlada geesay Gedo oo la sheegay in a ku biireen Jubbaland

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidamadii dowlada federaalka Soomaaliya geesay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo ay kasoo tageen una soo goosteen dhankooda.

Afhayeenka wasaaradda amniga maamulka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamo katirsan booliiska Haramcad iyo ciidamo kale oo milatari ah oo dowlada geesay Gedo dhankooda usoo goosteen.

Waxa uu sheegay afhayeenka in ciidankaasi dhinaca Jubbaland usoo goostay ay iska diideen colaad iyo in ay dagaal qeyb ka noqdaan, waxa uuna xusay in ciidankaasi si weyn usoo dhaweeyeen.

Afhayeenka ayaa ka gaabsaday in Warbaahinta la wadaago tirada ciidamada dhanka Jubbaland usoo goostay, mana jiro cid kale oo xaqiijisay warkan uu Warbaahinta u sheegay sargaalkan katirsan maamulka Jubbaland.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo badan geesay degmooyinka katirsan gobolka Gedo oo horey u maamulayeen Jubbaland, waxaana ciidanka dowlada hada gacanta ku hayaan inta badan degmooyinka gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dowladda oo ciidan Milatari ah geysay Kismaayo iyo Xog ku aadan Ujeedka ka dambeeya (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin isku qarxiyey goob uu ka socday xuska Mowliidka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Macron oo ka dhawaajiyay hadal ka farxiyay madaxda Milatariga Niger

Cabdi Cade
Taboola Ads ---