Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hoobiyeyaal caawa lagu weeraray qeybo ka mid ah Muqdisho

Qaraxyo ka dhashay madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa caawa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile sida wararka degaankaas laga helayo.

Ugu yaraan saddex madfac oo hoobiye ah ayaa la sheegay iney ka dhaceen meelo kala duwan oo ku dhow xerada Damaanyo, rugta saraakiisha iyo agagaarka Oodweyne oo ay ku yaalaan xeryo ay degan yihiin ciidamada xoogga dalka.

Warar markii hore soo baxay ayaa sheegayey in qaraxyadan ay ahaayeen kuwo loo adeegsaday miinooyin iyo bambooyin, hase ahaatee markii dambe ayaa laga war helay iney ahaayeen hoobiyeyaal la soo tuuray.

Goob joogayaal ku sugan degmada Dayniile ayaa sheegaya in qaraxyada ka dhashay madaafiicda hoobiyaha iyo rasaasta ay ahaayeen kuwo isxigay.

Illaa hadda ma jiraan wax faahfaahin ah oo laga helayo halka laga soo tuuray hoobiyeyaashan iyo halka uu ahaa bartilmaameed-kooda rasmiga ah, lamana oga khasaaraha ka dhashay.

La soco wixii soo kordha Insha ALLAAH

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo iyo farriin u diray Donald Trump

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyay xaalada Gaalkacyo oo xalay dagaal ka dhacay

Cabdi Cade

Hormuud Salaam Foundation oo Abaal-marisay macalimiin ku guuleysatay tartan Quraan aqris (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---