Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Dhuusomareeb iyo Faah faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in barqonimadii maanta halkaasi uu ka dhacay qarax khasaaro uu kasoo gaaray dad shacab ah .

Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa Miino dulka lagu aasay  ayaa ka dhacay kasoo horjeedka Maxkamada magaalada Dhuusomareeb gaar ahaan goob mashquul badan oo la sheegay in jaadka lagu iibiyo.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay sadex qof oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay , waxaana dadka qaraxa ku dhaawacmay la dhigay isbitaalka magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamada Nabad sugida iyo booliiska ayaa qaraxa kadib bilaabay howlgalo lagu baadi goobayay dadkii qaraxa ka dambeeyay, waxaana la sheegay ciidamada in ay qabteen dhoor qof lagu tuhmayo in qaraxaasi ku lug lahaayeen.

Amaanka magaalada Dhuusomareeb ayaa ahaa mid mudooyinkii dambe aad u wanaagsanaa, mana jirin qaraxyo iyo dilal mudooyinkii lasoo dhaafay ka dhacay magaaladaasi oo amaankiisa hada gacanta ku hayaan ciidamada dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiliga iyo goobta lagu aasayo Meydka Marxuum Nuur-cadde oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Nin Kenyan ah oo lagu dilay Boosaaso iyo Faah faahino kasoo baxaya dilkiisaa

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Diyaaradii ugu horeesay ee si toos ah isaga kala gooshta Australia iyo Yurub

Cabdi Cade
Taboola Ads ---