Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidanka dowlada oo is hortaag ku sameeyay Odayaal doonayay in ay tagaan Dhuusomareeb

Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya ayaa is hortaag ku sameeyay Odayaal, dhalinyaro iyo dad kale oo ka baxay magaalada Guriceel, kuwaa oo doonayay in ay tagaan magaalada Dhuusomareen ee Caasimada Galmudug.

Sida aan wararka ku helnay Odayaasha iyo dadka kale ee loo diiday in ay tagaan magaalada Dhuusomareeb ayaa la sheegay in ay u socdeen ka qeyb galka munaasabad lagu taageerayo Sheekh Shaakir oo lagu qabanayo magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamada Nabad sugida ayaana gaadiidka dagaalka ku xiray laamiga isku xira magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb, waxa ayna ciidamada ku amrayeen gaadiidka in ay dib ugu laabtaan Guriceel.

Magaalada Dhuusomareeb waxaa ku sugan Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo sidoo kale Madaxii hore ee Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir oo isna koox taageersan u doorteen madaxweynaha Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo soo saartay Digniin cusub oo ku socota labo magaalo (Akhriso)

Cabdi Cade

Dib u dhac ku yimid War-Murtiyeed laga soo saari lahaa Shirka Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Qoor Qoor oo qaabilay wafdi ay hoggaamineysay Ms. Wafaa Saeed (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---