Dowladda Mareykanka ayaa maanta dib u billowday kaalmadii ay siin jirtay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa ayna ka billowday hir-gelinta xarunta Saadka Ciidanka Xoogga Dalka ee gobolka Shabeellaha hoose.
Xaruntan oo noqoneysa tii ugu horreysay ee Ciidanka Xoogga Dalka ku yeeshaan meel ka baxsan Muqdisho, si weyna loo qalabeeyay ayaa waxa ay fududeyneysaa isu gudbidda saanadda ciidanka ee gobollada Koofureed, taas oo qeyb ka ah qorshaha argagxisada looga xoreynayo gobollada Koofureed ee dalka.
Dib-u-billaabidda kaalmada Mareykanka ee ciidamada Soomaaliya ayaa ka dambeysay dib-u-habaynta ay dowladda Soomaaliya ku sameysay guud ahaan nidaamka ay ku shaqeeyaan ciidamada qalabka sida iyo diiwaan-gelinta casriga ee loo sameeyay, taas oo musuqii meesha ka saartay.
Qoraal kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa afhayeen u hadlay safaaradda oo la yirahdo Ryan Grizzle, waxa ku sheegay in tallaabadan Mareykanka uu qaaday ay ka dambeysay kadib markii ay korortay kalsoonidii Mareykanka uu ku qabaan hanaanka maamulka dhaqaalaha ee dowladda.
Ryan waxa uu yiri, “waxaan ugu baaqeynaa Dowladda soomaaliya inay mudnaanta koobaad siiso wax ka beddelka iyo tayeynta hay’adaha amniga, si loo helo ciidamo Soomaaliyeed oo awood u leh inay amaanka dalkooda la wareegaan.”
Waxa uu sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono kaalmadan dhaqaale oo ah mid kooban, oo lagu taageerayo oo kaliya la-dagaalanka argagixisada.
Qoraalka ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay in dib u heshiisiinta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ay muhiin u tahay, hirgelinta dowlad xooggan oo ammaanka hanan karta, iyo barwaaqo ay ay higsadaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan u mahadcelinayaa dowladda Mareykana oo dadaalkeena oqoonsatay oggolaatayna inay caawinta ciidankeena dib-u-billowdo, ” ayuu yiri Wasiirka difaaca dalka, Xasan Cali Maxamed.
“Dadaal dheer oo aan galnay, kaddib waxaan ciidankeena ka nadiifinnay nooc kasta oo musuq ah, taasoo keentay in aan aqonsannay nuuca caawin aan u baahannahay, isla markaana aan kasbanay aaminaadda bahwadaagteena”, ayuu raaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya..
Mudane Xasan Cali Maxamed Wasiirka Difaaca ee Dalka ayaa hadalkiisa ku daray “Maanta ciidankeena waxa uu la jaanqaadayaan ciidamada dowladaha waaweyn marka laga fiiriyo dhanka nidaamka, taasoo sahleysa tayeynta ciidanka iyo howlgallada lagula dagaallamayo cadowga,”
Mareykanka ayaa joojiyay kaalmada uu ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed siin jiray dabayaaqadii sanadkii 2017, kaddib markii la ogaaday musuq maasuq baahsan ee ka jiray nidaamka ciidanka xoogga, balse dowladdu ay iminka ku guuleysatay arrintaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com