Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia oo iscailay, kana hadlay sababta ka dambeysa

Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa iska casilay xilka.

Lafta Gareen ayaa sheegay in sababta iscasilaadiisa ay tahay isagoo doonaya inuu ka mid noqdo Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddiga Doorashada gudoonka golaha shacabka ayaa horey u soo saaray shuruud sheegeysa in qof xil Wasiir haya aanu u tartami karin xilka Guddoomiyaha golaha shacabka.

Waxaa uu noqday Wasiirkii u horeeyey ee isu casila Tartanka loogu jiro Guddoomiyaha Baarlamaanka.

“Waxaan ahay mideeye aan kala qaybin-doonin xildhibaannada Golaha Shacabka iyo ilaalinta Midnimada Golaha guud ahaan, waxaan ahay garaad shir-guddoomiye kaliya ah, balse aan xilka ku gor-gortamaynin, waxaan ahay shaqsi ku fiican latashiga, sidaas awgeed-na Xildhibaannadu haddii ay codkooda isiiyaan ma noqonayo nin u taliya, ee waan la tashan-doonaa mar-waliba, waxaan ahay nin difaaci doona go’aannada Xildhibaannada Golaha Shacabku ay gaaraan”ayuu yiri lafta gareen

Waxaa jira Wasiiro kale oo isku soo sharaxay doorashada gudoonka golaha shacabka kuwaasoo aan la ogeyn iney xilalka iska casili doonaan iyo in kale si ay ugu tartamaan doorashada gudoonka golaha shacabka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo farriin bogaadin ah soo diray ballanqaad cusubna sameeyay

Cabdi Cade

Qarax caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Sarkaal lala beegsaday

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Sunne oo Shaaciyay in uu ku biiray Al Shabaab kana hadlay halka uu joogo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---