Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo weerar ka fulisay gudaha Kenya iyo Faah faahino kasoo baxaya (Daawo Sawirada)

Dagaalyahano hubeesan oo katiran Al Shabaab ayaa weerar ka fuliyay gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka Lamu , waxaana weerarkan lala beegsaday gaadiid shaqo ka waday wado la dhisayay.

Warbaahinta  Kenya ayaa sheegtay in koox lagu tuhmayo iney Al-Shabaab ka tirsanaayeen ay magaalada Milihoi ee ku taala wadada isku xirta Lamu iyo Garsen ku gubeen laba ka tirsan gaadiidka ka qeybgalaya dhismaha wadadaasi.

Taliyaha ciidamada booliska ee Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in ciidamada booliska iyo kooxaha hubeysan ay is rasaaseeyeen , waxa uuna tilmaamay dableyda hubeesan ay u carareen dhanka keymaha .

Irungu Macharia ayaa sheegay in uusan jirin khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac  oo ka dhashay weerarkan Al Shabaab fuliyeen , waxa uuna taliyaha tilmaameen in weerarka kala lagu gubay labo gaari.

Al Shabaab ayaa weeraro ka fulisa gudaha dalka Kenya, ciidamada Kenya ayaana ku guul dareestay in ay ka hortagaan weerarada Al Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi bari iyo gobolka xeebta ee Lamu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka XDS oo qarxiyey miinooyin lagu aasay duleedka degmada Balcad (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo la wareegay Xarunta maamulka Gobolka Hiiraan iyo Koontaroolka Kalabeyr

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka shaqeeyay in la joojiyo darbiga Kenya ka dhiseyso Balad Xaawo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---