Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirweyne maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa & Farmaajo oo ka qeyb galaya

Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in uu si rasmi ah uga furmo magaalada Addis Ababa Shirka 33-aad ee Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika.

Shirkaan ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo, iyagoona gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare, hoggaanka Hay’adaha iyo ururrada Caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya shirka 33-aad ee Midowga Afrika.

Shirkan oo socon doona inta u dhexeeysa 9-10-k a bishan Febaraayo ayaa waxaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirro: Maxkamada Ciidamada Oo Xukuno Ku Riday rag Loo Heystay Qarixii Soobe

Cabdi Cade

Wasaarada beeraha Somalia oo qeylo dhaan ka soo saartay arrin ka socota degmada Balcad

Caydiid Ali

Dowlada Masar oo qaadatay go’aan culus oo lama filaan iyo dharbaaxo ku noqday Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---