Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kenya oo ka hadashay hadalkii ka soo yeeray heyadda Amnesty & arrinta Cabdirashiid Janan

Kenya ayaa markii ugu horeysay jawaab ka bixisay warkii kasoo yeeray hay’adda Amnesty international kaasoo ahaa in Dowlada Soomaaliya loo gacan galiyo Cabdirashiid Janan ka baxsaday xabsi ku yaala Muqdisho.

Laamaha amaanka Kenya ayaa Wargeyska Daily Nation u sheegay in Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu kasoo galay Mandera dhinaca Belad Xaawo isagoo Kenya ku galay qaxootinimo.

Xoghayaha Wasaarada Arimaha Dibada Kenya Macharia Kamau ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay arintani ka falcelin karaan balse waxaa uu sheegay in Kenya aysan laheyn go’aaminta sida laga yeelayo Janan.

Xiriirka labada dowladood ee Somalia iyo Kenya oo markii horaba aan wanaagsaneyn ayaa mar kale sii xumaanayo ka dib markii Kenya uu tagay C/rashiid Janan oo baxsad ka ah dowlada Soomaaliya.

C/rashiid Janan degan hotel ku yaal degmada Mandhera oo ku dhow xadka Somalia iyadoo hay’adaha Kenya ay la wareegeen Amaankiisa sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Xog:-Cabasho laga keenay Amniga jidka isku xira Muqdisho & Jowhar & Saameyn ka dhalatay

admin

Dagaalyahanada Kooxda Ahlu-Sunnah Waljamaaca oo qaati laga taagan yahay

Caydiid Ali

Magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Albaabka Madaxtooyada oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---