Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xagee ku dambeeyey askarigii dadka badan ku xasuuqay dalka Thailand?

AskarigIi dadka badan ku laayey magaalada Nakhon Ratcha-sima ee dalka Thailand ayaa la sheegay in ugu dambeyn la dilay ka dib howlgal saacado badan socday.

Jakraphanth Thomma ayaa sabtida dilay 20 qof iyadoo hubka uu weerarka ku geystay la sheegay inuu ka soo xaday xera militari.

Ninkan weerarka geystay oo farriimo ku aadddan weerarka uu geystay soo dhigay baraha bulshada ayaan weli la garan sababta weerarkaasi uu u geystay, iyadoo wasaaradda gaashaandhigga dalkaas ay ku tilmaantay inuu u ekaa qof dhimirka looga jiro.

Wasiirka cafimaadka dalkaasi, Anutin Charnvirakul, ayaa bartiisa twitterka soo dhigay subaxnimadan Axadda qoraal uu ku bogaadinaya ciddamada ammaanka talaabada ay ka qaadeen magaalada waqoyiga dalkaasi ku taala.

”Waad ku mahadsantihiin booliska iyo milatariga sida aad u soo afjarteen xaaladda. ninkii wax laayeyna waa la toogtay!!!” ayuu yiri wasiirka.

Tirada dhimashada ayaa hadda taagan 20 qof halka dhaawacana uu yahay 42 kale sida laga soo xigtay saraakiisha amaanka Thaliand.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo ka digay Qorshe Madaxweyne Farmaajo iyo xulufadiisa damacsan yihiin

Cabdi Cade

Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo tagay Deegaanka Qaayib ee saakay la weeraray (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaano xaflad aaday Sabab u noqday in kulankii Golaha Shacabka uu…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---