Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia oo maanta hortagaya fadhiga Golaha aqalka sare

Wasiirka Cadaalada Xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta hor tagaya Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo ku kulmaya xaruntooda magaalada Muqdisho.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hor jeedin doona fadhiga golaha aqalka sare Hindise sharciyeedka la dagaalanka Musuq-maasuqa oo horay u ansixiyeen Golaha Shacabka bishii November ee sanadkii hore.

Aqalka Sare ayaa ka doodi doono Hindise sharciyeedka la dagaalanka Musuq-maasuqa iyagoo ka dibna cod u qaadi doona si ay u soo celiyaan ama u meel mariyaan.

Dowlada ay hogaamiyaan madaxweyne Farmaajo iyo raisul wasaare Kheyre ayaa horay u balan qaaday inay la dagaalami doonaan Musuq maasuqa iyo wax isdaba marinta ka dhex jirta heyadaha dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Laftagareen oo weerar culus ku qaaday musharraxiinta Ku Shirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Abwaan Cabdikariin Jiir oo goordhaw ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Xilliga la dhagaysanayo dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---