Allbanaadir.com
NEWS

Aqalka Sare oo maanta meel mariyay Sharciga Doorashooyinka (Daawo Sawirada)

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa waxa ay meel mariyeen Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal.

Aqalka sare ayaa sharcigan oo horey usoo ansixiyeen golaha shacabka Soomaaliya  u saaray guddi kasoo baaraan dega, waxaana ugu dambeyn xubnaha Aqalka sare meel mariyeen sharciga Doorashooyinka.

Kulanka Aqalka sare ku meel mariyeen sharciga doorashooyinka waxaa shir gudoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana meel marinta sharcigan ogolaatay 27-senetar waxaana diiday 6-senatar wax ka aamusayna ma jirin.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayaa in sharcigan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka meel mariyeen loo gudbiyo si uu u saxiixo .

 

Related posts

Musharaxiin u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug oo Isbaheysi sameestay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo telfoon kula xiriiray Muuse Biixi arrin Muhiim ahna u bandhigay

Cabdi Cade

Labo Shaqo oo Muhiim ah oo ka Banaan Shirkada Korontada ee Blue Sky

Cabdi Cade
Taboola Ads ---