Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo goordhaw Muqdisho ka dhoofay iyo xog ku aadan Ujeedka Safarkiisa

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Farmaajo iyo wafdiiisa ayaa u duulay magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, waxa uuna dalkaasi uga qeyb galayaa shir Madaxeedka sanadlaha ah ee isugu yimaadaan madaxda wadamada ku bahoobay Midowga Afrika .

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Itoobiya la filayaa in kulamo la qaato madax kala duwan sidoo kale uu ka jeediyo shirka Khudbad uu uga hadlayo arimha Soomaaliya gaar ahaan guulaha iyo hormarada dowlada uu hogaamiyo gaartay.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ku aaday dalka Itoobiya ayaa kusoo aadaya xili maanta ku beegan tahay 8-da bisha febraayo oo ah sadex sano guuradii kasoo wareegtay markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sadaxdii sano uu hayay talada dalka waxa uu u baxayay safaro badan oo dalka dibadiisa, waxaana la tilmaamay in uuba ka safar badan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu horey ugu eedeyn jiray in safaro micno daro ah u baxo.

 

Related posts

Dilaagii Muqdisho ee Macallin Ilkacase & xubnihii kale sida loogu fuliyey dilkii toogashada & Qaramada Midoobay ..!!

admin

Xassan Shiikh oo kulankii ugu horeyey la qaatay Ergayga cusub ee QM (Sawirro)

Caydiid Ali

DF oo mar kale dalka ku soo celisay Muwaadiniin ku xanibnaa dibeda (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---