Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Xaaf oo si adag ula hadlay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya

War saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa looga hadlay qoraal dhawaan kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xaaf qoraalka uu soo saaray ayuu ku sheegay in safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ay faragalin ku heyso arimaha Galmudug, waxa uuna ku eedeeyay safaarada in ay taageertay doorasho Afgambi ah uu sheegay in ay ka dhacday Dhuusomareeb.

Xaaf ayaa kasoo horjeestay dalabkii dhawaan kasoo yeeray Safaarada Mareykanka ee ku aadanaa in wadahadal yeeshaan dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada, waxa uuna Xaaf ugu baaqay Mareykanka in faragalinta ka daayaan Galmudug.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa dhawaan ugu baaqday dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ka jira in ay wada shaqeyn yeeshaan iskana kaashadaan sugida amaanka, dagaalka Al Shabaab iyo in ay dhacdo doorasho xor ah.

Dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale taageertay Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo dhawaan lagu doortay magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo diyaar u ah marti galinta shir looga hadlayo maqaamka Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Booliska DF oo soo bandhigay ciidamo saaka ku dagaalamay Ex-Kontrol Afgooye (Sawirro)

Caydiid Ali

Imtixaankii dugsiyada Sare ee Wasaarada Waxbarashada oo baraha bulshada lagu faafiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---