Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Markab ay saaran yihiin kumanaan dalxiise oo Coronavirus uu ka dilaacay

Markab ay saaran yihiin 3,700 qof ayaa lagu karantiilay xeebaha Japan, waxaa cudurka Corona laga helay ilaa 61 qof.

Markabkan oo lagu magacaabo Diamond Princess ayaa muddo labo toddobaad ah ku xayiran magaalada Yokohama si looga hortaggo faafidda Corona.

Dadka laga helay Corona ee saarnaa markabka, waxay u kala dhasheen dalalkan soo socda.

Japan: 28 qof, Mareykanka :11 qof, Australia iyo Canada: 7 qof, Shiinaha: 3 qof UK, New Zealand, Taiwan, Philippines, Argentina: min 1 qof.

Wuxuu bilowday baaritaanka markabka markii nin 80 jir ah oo u dhashay Hong Kong oo bishii hore soo raacay markabkan laga helay cudurka Corona.

Markab ay saarnaayeen ilaa 3,600 qof ayaa lagu karantiilay Hong Kong kaddib markii 8 qof oo saarnaa markabkaas laga helay cudurka Corona.

Kiisaska la xiriira dadka saarna markabka ayaa waxay ka dhigeysaa in ilaa 86 qof uu dhashay Japan uu soo ritay cudurka, waana tiradii ugu badneyd marka laga soo tego Shiinaha oo ah goobtii uu ka dilaacay cudurka.

Waxaa sidoo kale jira walaac sidii adeeg caafimaad loo gaarsin lahaa dadka lagu karantiilay gudaha markabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Dhismaha Tiyaatarka Qaranka oo si aan caadi aheyn loo qurxiyey

Caydiid Ali

Qorax Madoobaadkii ugu xumaa mudo 375 sano ah oo laga arkay Latin America

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Dowladu waa iney bedeshaa siyaasada Maamulka dhulalka danta guud”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---