Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Isbitaalka Keysaney oo u dabaaldegay Sanadguuradii 28-aad ee aasaaskiisa (Sawirro)

Munaasabad balaaran oo lagu maamuusayey sanadguuradii 28aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Isbitaalka Keysaney ayaa lagu qabtay xarunta Isbitaalkaas oo ku taalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Waxaa Munaasabadan oo si weyn loo soo qaban-qaabiyey ka qeyb galay Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan goleyaasha dowlada Somalia, Maamulka Isbitaalka Keysaney, ganacsato, dhaqaatiir, bahda waxbarashada, odayaal dhaqameedyo ay ka mid ahayeen Imaam Maxamed Yuusuf, Ugaas Max’uud Cali Ugaas iyo Ugaas C/llaahi Ugaas Saalax iyo qeybaha bulshada.

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada ee Isbitaalka Keysaney Cali Bile oo hadalo furitaan ah ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay in Isbitaalka oo markii hore lagu bilaabay daweynta dhaawacyada iyo gargaarka deg deg ah haatan lagu kordhiyey qeybo badan oo ay ka mid yihiin qeybta daweynta guud & qeybta u gaarka ah haweenka isku furmay ee Fistolada.

“Isbitaalka intii uu jiray waxaa lagu daweeyey dad ka badan 240 kun oo qof, iyadoo qaliino kala duwan loogu sameeyey ku dhowaad 100 kun oo kale, taasoo muujineysa inuu ka miro dhaliyey hadafkii loo aasaasay ee ahaa inuu bulshada u fidiyo adeegyo caafimaad oo bilaash ah” ayuu yiri Cali Bile.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud C/kariin Gabeyre oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in ganacsatada ay had iyo jeer ka warqabaan isbitaalka, ayna ka qeyb qaataan daboolida baahiyaha jira, wuxuuna balan-qaaday iney laami saari doonaan wadada tagta isbitaalka.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Keysaney Dr. Axmed Taajir oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in inkastoo la xaqiijiyey hadafkii laga lahaa isbitaalka haddana loo baahan yahay 28 sano ka dib in dib u habeyn iyo casriyeyn loo sameeyo isbitaalka si uu u sii xoojiyo howlaha uu bulshada hayo.

“Dedaal ay sameeyeen Maamulka Isbitaalka oo kaashanaya heyadaha taakuleeya sida ICRC iyo bisha cas ayaa waxaa lagu guuleystay in la balaariyo howlaha isbitaalka uu u hayo bulshada, isagoo hadda noqday Isbitaal guud, waxaana ku rajo weynnahay inaan heerkan ka sii hor-marino” ayuu yiri Axmed Taajir oo intaas ku daray in Isbitaalku yahay mid u dhexeeya bulshada uuna ku shaqeeyo mabaadi’da bisha cas oo ay ka mid yihiin Bani’aadamnimo, eexasho la’aan, dhexdhexaadnimo, Madax-banaani, mutadawacnimo iyo qodobo kale.

Senator Prof. Cusmaan Max’uud Dufle oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka Somalia ayaa isna ka sheekeeyey taariikhdii iyo halgankii isaga iyo dhaqaatiir la shaqeynaysay ay u soo galeen wax u qabashada bulshada xiligii lagu jiray duruufaha adag.

“Sanadkii 1992-dii markii ay dhaceen dagaaladii kala qeybiyey Xamar ee qaxa iyo barakacii ugu darnaa uu dhacay, dhaqaatiirtiina intooda badan ay dibeda u baxsadeen ayaa aniga iyo dhaqaatiir kooban oo dalka ku haray waxaan sameynay guddiga isku dhafka ah ee Caafimaadka Muqdisho anagoo maalin kasta u kala gudbeynay labada dhinac iyadoo khad cagaaran uu xiligaas jiray runtiina la kulanay dhibaatooyin badan oo qaarkood nafteena halis geliyey, waxaana howlgelinay isbitaalada Banaadir, Madiina, dayniile iyo Digfeer iyo qaar kale baahi weyn loo qabay” ayuu yiri Prof. Dufle.

Waxaa uu sheegay iney xusid mudan tahay in xiligaas uu ahaa shaqsigii fekerkiisa ay ka soo maaxatay in isbitaal loo bedelo xabsi dowladii hore ay ka dhistay duleedka degmada Kaaraan oo maanta loo yaqaano Isbitaalka Keysaney, isagoo xusay iney howlgelintiisa la kaashadeen heyaddaha ICRC iyo ururka Bisha cas ee Soomaaliyeed oo u mahad-celiyey intii ka qeyb qaadatay aasaaska iyo howlihii laga soo qabtay isbitaalka, Maamuladii iyo dhaqaatiirtii soo bilaabay shaqadii Isbitaalka iyo kuwa hadda jooga oo mudan amaan fara badan.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee xukuumada Somalia Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo gebagebadii Munaasabada ka hadlay ayaa maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka Keysaney ugu hambalyeeyey sanadguurada 28aad ee ay u dabaaldegeen, Wuxuuna ku amaanay shaqada adag ee ay soo qabteen iyo dhabar adeyga ay muujiyeen.

“Farxad iyo sharaf weyn ayey ii tahay inaan Maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitaalka Keysaney kala qeyb galo Munaasabada sanadguuradii 28-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Isbitaalka” ayuu yiri wasiirka oo dhinaca kale ku dheeraaday kaalinta uu isbitaalka ka soo qaatay, welina kaga jiro horumarinta Caafimaadka bulshada wuxuuna balan-qaadey in xukuumada Somalia ay kaalinteeda ka qaadaneyso horumarinta isbitaalka iyo guud ahaan xoojinta adeegyada bulshada isagoo kula dardaarmay maamulka iyo shaqaalaha Keysaney iney dedaalkooda sii xoojiyaan.

Intii ay socotay Munaasabada waxaa hadalo ka jeediyey masuuliyiin fara badan oo ay ka mid ahaayeen agaasimihii hore ee Isbitaalka Keysaney Mina Xasan Shibis, Haatana ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka, guddoomiyaha Mu’asasada Jaamacadda Benadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti), Maxamed Xasan Doob oo ka socday Jaamacada Jobkey iyo xubno kale.

Munaasabadan oo ku soo gebagebowday jawi farxadeed ayaa ugu dambeyn waxaa shahaadooyin iyo abaal marino lagu gudoonsiiyey shaqsiyaad kala duwan oo iskugu jira aasaasayaashii Isbitaalka, agaasimeyaashii horey uga soo shaqeeyey iyo qaar ka mid ah shaqaalaha isbitaalka oo howlkarnimo muujiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad goboleedyo soo gudbiyey xubnaha ku metelaya Guddiyada doorashooyinka

Caydiid Ali

Magacii iyo Calankii DDSI oo maanta si rasmi ah loo bedelay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey dalka ee COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---