Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xiisad ka dhalatay kulankii Jen. Burhan iyo Netanyahu oo ka taagan Sudan

Golaha wasiirada Sudan ayaa sheegay in hoggaamiyaha dalkaas Jeneral Abdel Fattah al-Burhan uusan ra’iisul wasaaraha Israel u ballan-qaadin “hagaajinta xiriirka” labada dal.

Al-Burhan, oo madax ka ah golaha xukuma Sudan, ayaa wada-hadallo aan horey loo qorsheyn waxa uu magaalada Entebbe ee dalka Uganda Isniintii kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, taasi oo u muuqatay astaan Sudan ay kusoo afjareyso qaadacaaddeeda muddada fog ee Israel.

Waxyar kadib wada-hadallada, Netanyahu ayaa ku dhowaaqay in labada hoggaamiye ay isku raaceen inay ka wada shaqeeyaan sidii loo hagaajin lahaa xiriirka.

Golaha wasiirada ku-meel gaarka ah ee Sudan ayaa maanta sheegay in la-kulanka Netanyahu uu ahaa mid shakhsi ahm islamarkaana uusan u sameyn wax ballan-qaad ah.

“Madaxa golaha madax-banaanida waxaa uu noo sheegay…inuusan wax ballan ah sameyn, kalana hadlin hagaajinta xiriirka,”waxaa sidaas yiri afhayeenka dowladda Faisal Mohamed Salih.

Salih ayaa sheegay in arrinta xiriirka Israel ay tahay wax aysan dowladda ku-meel gaarka ah ee iminka jirta ku qasbaneyn inay go’aan ka gaarto.

“Dowladda waxay haysataa waajibaad aad u xadidan. Arrinta xiriirka Israel waa wax ka baxsan waajibaadkeeda,” ayuu yiri.

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Sudan iyo shacabka dalkaas intooda badan ayaa ka carooday kulanka Burhan uu la qaatay RW Yuhuuda, iyagoo shaki ka muujinaya iney galeen heshiisyo qarsoodi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Somaliland oo qaaday talaabo kale oo ka dhan ah Idaacada BBC-da

Caydiid Ali

Musharax Madaxweyne oo Qoraal kasoo saaray Warbixintii kasoo baxday Xafiiska Hanti Dhowraha

Cabdi Cade

Dowlado ka tirsan Yurub oo xirxiray xubno lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin Xamaas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---