Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maraykanka oo dilay Qasim Al-Raymi & Madaxweyne Trump oo ka hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ciidanka Mareykanka ay dileen hogaamiyaha Al Qaacida ee gacanka Carbeed.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Qasim Al-Raymi, oo kooxdaas hogaaminayay tan iyo sanadkii 2015-ka lagu dilay hawlgal uu Mareykanka ka fuliyay gudaha dalka Yemen.
Qoraalka kasoo baxay aqalka cad ee Mareykanka waxaa lagu xaqiijiyay dhimashada al-Raymi’s, balse lama sheegin xilliga la dilay.

Ninkan la dilay ayaa lala xiriiriyay weeraro dhowr ah oo lagu qaaday danaha dalalka reer galbeedka labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa uu xilka hogaaminta kooxda kala wareegay ninkii isaga ka horeeyay ee ay Mareykanka sido kale ku dileen duqeyn dhanka cirka ah.

Kooxdan ayaa la asaasay sanadkii 2009, waxaana ujeedkoodu ugu weyn ay ku sheegeen sidii ay uga hortagi lahaayeen danaha Mareykanka iyo dalalka reer galbeed ee gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdi Max’uud Cumar oo la qabtay & xog ku aadan halka loo kaxeystay

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada oo shaaciyay in Garbahaarey laga wareejiyay Doorashada 16-ka kursi

Cabdi Cade

Shirkadda Oscar oo ku dhawaaqday go’aan adag oo ka dhan ah Will Smith

Cabdi Cade
Taboola Ads ---