Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Taliye Xijaar oo la kulmay James Swan & Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliye S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. James Swan.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa James Swan kala hadlay xoojinta wada shaqeynta ammaanka Guud ee Dalka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa kulan la yeeshey xubno balaaran oo ka socdey Midowga Yurub. kuwaasoo taageera Booliiska Soomaaliyeed .Taliyaha ayaa warbixino kusaabsan Taageerada ay Siiyaan Ciidan Boliiska Ka dhageystey Xubnaha Midowga yurub

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaqo muhiim u ah Shacabka,waxayna gacan bir ah ku qabtaan dadka falalka amni daro ka geysta dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Xassan Shiikh oo abaal-marino gudoonsiiyey Guddiyadii doorashada

Caydiid Ali

Xog ku aadan Waxyaabihii ay kawada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo James Cleverly

Cabdi Cade

Xubno katirsan Al Shabaab oo magaalada Muqdisho lagu qabtay iyaga iyo hubkooda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---