Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug oo la kulmay Saraakiil katirsan AMISOM (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta xarunta Madaxtooyada u ah kulan gaar ah kula qaatay saraakiil katirsan ciidamada AMISOM.

Qoor Qoor ayaa kulan la qaatay saraakiisha AMISOM ee ku sugan magaalada Dhuusomareeb, waxa uuna saraakiishan uga mahad celiyay sidii ay uga qeyb qaateen xaqiijinta amaanka xiligii doorashada iyo kahorba.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in maamulkiisa gacan ka geesan doono xaqiijinta amaanka deegaanada Galmudug iyagoo kaa shanaya Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Ciidamo katirsan AMISOM oo ka kala socda wadamada Jabuuti iyo Itoobiya ayaa ku sugan magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug, waxa ayna ciidamadan gacan ka geesteen sugida amaanka caasimada intii doorashada socotay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo loogu baaqay in Xayiraad kusoo rogto dalka iyo Sababta oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Taliye shaqada laga joojiyey & askar loo xirxiray weerarkii dhowaan ka dhacay Hotelka Elite

Caydiid Ali

Wasiirka Gaashaandhiga DF oo la kulmay Saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---