Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi Dowlada Soomaaliya ugu baaqay in ay Cadeyso Maqaamka Muqdisho

Nuur Ismaaciil Shiikh oo ka mid ah siyaasiinta da’da yar ee kasoo jeeda magaalada Muqdisho ayaa Wareysi uu bixiyay kaga hadlay maqnaanshiyaha maqaamka Gobalka Banaadir.

Waxa uu sheegay Nuur Ismaaciil in Muqdisho ay ku noolyihiin in kabadan sadax milyan oo qof oo bixiya Canshuurta Dowladda islamarkaana aysan heysan xaquuqdii ay ku lahaayeen Dowladda Federaalka.

Nuur ayaa Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalka Banaadir  ka dalbaday in la cadeeyo xaquuqda siyaasadeed ee dadka ku nool gobalka Banaadir.

Madaxda Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Ra’iisal Wasaare Xasan Cali khayrre iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer hadalo ay jeediyeen waxay balan qaadeen in ay heli doonaan shacabka maqaamka Muqdisho matalaadooda siyaasadeed mana jirto ilaa hadda dadaalo socda oo arintaasi ku saabsan.

Hadalka Nuur Ismaaciil sheikh oo ka mid ah siyaasiinta magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya iyadoo Dowlada Soomaaliya ay shaacisay in 3-dii Bilood ee la soo dhaafay Canshuurta Gobalka Banaadir laga aruuriyay in kabadan afartan iyo laba milyan oo doolar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ugu yaraan 35 qof oo ku dhintay qaraxyo miino oo qabsaday gaari ay la socdeen

Caydiid Ali

Maxkamada ciidanka oo xukun adag ku riday Sarkaal lagu helay la shaqeynta Al-shabaab

Caydiid Ali

Khayre: “Aragti qabiil laguma wajihi karo damaca Itoobiya”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---