Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin Mushaarkiisa ka badan yahay Hal milyan Dollar oo Cunto uu xaday shaqadiisa ku waayay

Nin kamid ahaa howlwadeenada sare ee Bangiga maalgashiga caalamiga ah ee Citi ayaa shaqadiisa ku waayay xatooyo cunto uu sameeyay, waxa ayna dhacdadan layaab ku noqotay dad badan oo Warbaahinta ka arkay.

Paras Shah, oo qeybta ganacsiga qaabilsanaa bangiga Caalamiga ee Citi ayaa fadeexad xoogan dhaxda kaga jira waxaana ninkan lagu heestaa in uu cunay raashin fudud gaar ahaan rooti qudaar iyo hilib gudaha laga galiyay oo qeyb kamid ah bangiga la dhigtay.

Ninkan ku eedeesan in xatooyo aan micno ah laheyn sameeyay ayaa la sheegay in sanadkii mushaarkiisu uu yahay lacag  gaareysa £1m oo u dhiganta ($1.31m oo dollar), waxaana dad badan iseediinayaan waxa xatooyada raashinka ku kalifay.

Wargeyska Financial Time ayaa ku waramaya in ninkan laga qaaday shaqadii uu hayay oo ahayd mid sare oo qaabilsan ganacsiga Yurub, Bariga dhexe iyo Afrika, taas oo ah midda mushaarkaas badan uu ku helayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

“Xasuuqii Gololey weli madaxda DF kama hadlin, dhacdooyin ka yar yar ayayna ka qeylin jireen..”

Caydiid Ali

Konton ku dhimatay & boqolaal lagu la’yahay Musiibo ka socota gobolka California (Sawirro)

Caydiid Ali

Sidee loogu yeeshay Soomaaliya deynta laga cafiyey ee gaareysa 4.5 Bilyan?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---