Allbanaadir.com
NEWS

Askar katirsan AMISOM oo ku dhaga beelay Soomaaliya oo qalab la gudoonsiiyay

Ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ayaa ku dhaga beelay qaraxyo iyo weeraro kala duwan oo lagula beegsaday gudaha Soomaaliya ay u joogaan howlgal nabad ilaalin ah.

In ka badan 20-askari oo katirsan milatariga dalka Uganda qeybna ka ahaa howlgalka AMISOM ayaa ku dhaga beelay qaraxyo lagula beegsaday gudaha Soomaaliya, waxaana askartaan qaarkood noqdeen kuwa aan waxba maqlin halka kuwa kalana ay dhago jigaan.

Askari katirsan ciidamada Uganda oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in qarax agtiisa ka dhacay ku dhaga beelay , waxa uuna tilmaamay askarigan in uusan hada dhagihiisa waxba ka maqleyn.

Hay’adda Wax-maqlida ee lagu magacaabo The Starkey Hearing Foundation ayaa ciidamada AMISOM ee dhago beelay ugu deeqday qalab fududeenaya in ay wax maqlaan, waxa uuna qalabkan askartan u sahlayaa in ay wax maqlaan.

Agaasime Gobaleedka Hay’addaasi u jooga Uganda, Maxamed Kayesirikide waxa uu sheegay inay Ciiddankaas siiyeen Qalabkaasi, isla markaana ay si lacag la’aan ah u heli doonaan Batariga Qalabkaasi iyo adeegyada kale ee dheeraadka ah.

Ciidamadan katirsan AMISOM ee dhago beelay waxaa qalabkan u qeybiyay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira oo ku booqday xarumo lagu daweenayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Khayre & wafdi uu horkacayo oo goor dhow gaaray Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Mucaaradka Israa’iil oo cadaadis xooggan ku bilaabay Netanyahu

Cabdi Cade

Al Shabaab oo dib ula wareegtay Deegaanno jab xooggan horey loogu gaarsiiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---