Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Yuusuf Garaad oo faallo cajiib ah ka qoray xaalada Siyaasadeed ee Galmudug

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xukuumada Somalia Yuusuf Garaad Cumar ayaa faallo xiise badan ka qoray xaalada siyaasadeed ee maamulka Galmudug, isagoo talooyin wax ku ool ah oo aragti fog ku saleysan siiyey dhinacyada kala qeybsan ee hogaanka maamulka isku diidan.

Hoos ka akhriso faalada Yuusuf Garaad oo sidan u qorneyd:-

Wax kasta oo Galmudug ay isu geysatay iyo wax kasta oo uu Federaalku u geystay, haddana mid ayaa ma huraan ah.

In siyaasadda Gobolku ay horseeddo inuu nabad ku wada noolaado, nabad kula noolaado deriska, kana shaqeeyo horumarka dadweynaha dul, dhex iyo barbar deggan degaan hodon ku ah kheyraad dabiici ah balse ka gaajeysan.

Si nabad buuxda iyo horumar loogu tallaabsado, waxaa ma huraan ah in la wadahadlo, dhabta la is hordhigo, oo la kala garqaato.

“Guusha” kooxdaada ha ku qiimeyn, ama aan si kale u dhaho, jiritaankaaga ha ku sababeyn keliya waxa aad u dhimi karto dhinac aad is haysaan.

Isweydii culeyska iyo dib u dhaca ku jira in aad isku daydo in inta kale oo dhan aad adigu muquuniso.

Adigu keligaa isu qir in aanad dadka kale ka xigin degaanka iyo dalka. In ismuquunin aan horumar lagu gaari karin ka baro taariikhda dhow iyo tan fog ee dalka.

Bal qiyaas. Wanaag adiga oo wada ayay dhacdaa in shar lagaala hor yimaado. Haddii aad shar soo qorsheyso, rajo ha ka qabin in wanaag lagaala hor yimaado.

Shar kaltan ah oo marba ay kooxi isku daydo in ay u quus goyso inta kale, horumar laguma gaarayo, nabadna waa lagu waayi karaa.

Xumo kasta oo lagugula kacay, ballanbaxyo kasta oo aad daliisheeda hayso, daneysi kasta oo aad ku aragtay qaar, maangaabnimo kasta oo aad ku tuhmeyso dhinaca kale, haddana waa dad degaan iyo dan guud ay kaala dhaxeeyaan.

Sida keliya ee hore loogu wada socon karaa waa wadahadal lagu goobo is afgarad.

W/Q: Yuusuf Garaad Cumar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Qadar oo sameeyay Dhoolo Tus Cajiib ah soona bandhigay Awoodooda (Daawo Muuqaal)

admin

Madaxa Telegram oo la xiray iyo Sabbata keentay xarigiisa oo la ogaaday

Cabdi Cade

Al Shabaab oo saakay Weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhig Ciidan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---