Allbanaadir.com
NEWS

Labo Sargaal oo katirsanaa Al Shabaab oo laga saaray Golaha Fulinta ee kooxdaasi

Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in khilaaf uu soo kala dhax galay Hogaanka sare ee Al Shabaab, waxaana la sheegay in khilaafka sababay in Hogaanka Al Shabaab xil ka qaadis sameeyo.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Amiirka guud ee Al-Shabaab Axmed Diiriye uu ka saaray Golaha Fulinta ee Al Shabaab Mahad Karateey iyo Bashiir Qoorgaab oo kamid ahaa hoggaanka Al-Shabaab.

Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in sababaha labadan sargaal looga saaray golaga fulinta ay tahay in ay dalbadeen in magaalada Muqdisho laga joojiyo qaraxyada joogtada ah

“Axmed Diiriye, Horjoogaha Al-Shabaab ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qorgaab golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen Xarakada, kadib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho.” ayaa lagu yiri qoraalka NISA soo saartay.

Labadan sargaal ayaa kamid ahaa hogaanka sare ee Al Shabaab waxa ayna kamid yihiin xubno dowlada Mareykanka ku dartay liiska waxa loogu yeero argagaxisada madaxadoodana la saaray lacago malaayiin dollar ah.

 

Related posts

Xuutiyiinta Yemen oo Badda cas ku weeraray Maraakiib kale oo laga leeyahay Israel

Caydiid Ali

Wararkii Ugu dambeeyay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Baar Sanguuni

Cabdi Cade

Bogg Facebook uu ka sameestay Axmed Karaash oo oo maalmo kadib hawada laga saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---