Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Dowlada Somalia oo ciidamo badan iyo Saanad milateri ka duulisay Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Boqolaal ciidamo ah saaka ka duulisay magaalada Muqdisho, iyagoo kub sii jeeda degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Gobolka Gedo mudooyinkii ugu dambeeyay Waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda xili khilaaf ba’an uu u dhexeeyo maamulka Jubbaland iyo dowlada dhexe.

Degmada Baardheere, Dhawaan Waxaa laga qaaday Ciidamo kuwaasi oo la geeyay Degmada Luuq ee isla Gobolka gedo.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyey DF iney ciidamo badan iyo hub ka dejisay degmada Luuq, ayna halkaas ka abaabuleyso dagaal ka dhan ah Jubbaland.

hase ahaatee dowlada Somalia saraakiil ka tirsan ayaa sheegaya in ciidamadan loo geeyey gobolka Gedo si ay halkaas uga fuliyaan howlgalo ka dhan ah al-shabaab.

Marka laga yimaado hadalada labada dhinac waxaa iska cad in Jubbaland iyo dowlada dhexe ay ku loolamayaan awooda maamul ee gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo mar kale eedeyn dusha kaga tuurtay Dowladda Imaaraadka Carabta

admin

Jubbaland oo qabatay Sargaalkii hoggaaminayay ciidankii Raaskanbooni

Cabdi Cade

Madaxda Puntland & Jubbaland oo u hogaansamay cadaadiskii beesha caalamka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---