Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray Xarunta channelka labaad ee SNTV (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray Xarunta Warbaahinta Qaranka, gaar ahaan Muuqaal-baahiyaha SNTV2 ee dhawaan lagu soo kordhiyey, kaas oo loogu tala galay baahinta arrimaha wacyigelinta bulshada iyo xoojinta wadaniyadda.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray xarunta Wasaaradda Warfaafinta waxaa uu soo kormeeray qeybaha Wasaaradda gaar ahaan Muuqaal-baahiyaha SNTV2 oo dhawan laga hirgeliyay xarunta Wasaaradda.

Waxaa uu warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo dhamaan howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta si ay uga go’antahay baahinta barnaamijyada la xiriirta waddaniyadda iyo wacyigelinta bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada dadka Israa’iiliyiinta ah ee gacanta u galay kooxda Xamaas oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Shacabka Laascaanood oo dhigaya Dibad baxyo rabshado wata iyaga oo wata Calanka Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal ka socda gudaha Israa’iil iyo Xamaas oo dad badan…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---