Allbanaadir.com
NEWS

Imaaraadka oo Agabkii ka yaalay Muqdisho ku raranaya Markab ku xiran Dekadda (Daawo Sawirro)

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa agabkoodii muhiimka ahaa ee u yaalay magaalada Muqdisho bilawday in ay ku rartaan Markab weyn oo maalmahan ku xirnaa Dekadda magaalada Muqdisho.

Dekadda Muqdisho waxaa taagan Markab weyn oo lagu rarayo agabkii Imaaraadka kala baxeen Xerada Jeneraal Gordan ay ku tababari jireen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo agabyo kale oo u yaalay Isbitaal Imaaraadka ka fureen Muqdisho.

Goob joogayaal Dekadda Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in maanta Markabka Imaaraadka ee ku xiran Dekadda Muqdisho lagu bilaabay in lagu raro Agabyo kala duwan oo dowlada Imaaraadka kala baxeyso Muqdisho.

Alaabaha  Markabka la saarayay waxaa ku jira hub iyo gaadiidka Gaashaamaan iyo agabyo kale oo muhiim ah oo yaalay Xerada Jeneraal Gordan oo Imaaraadka ay ku tababari jireen Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Dowlada Imaaraadka ayaa si rasmi ah u joojisay tababaridii iyo taageeradii ay siin jirtay ciidanka Soomaaliya, waxa ayna arintan timid kadib khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay  Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Ciidamo isku abaabulay dagaal ka dhan ah Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirka Gaashaandhigga oo hadlay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto ciidanka…

Cabdi Cade

Dagaal xoogan oo ka dhax qarxay Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---