Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

IGAD oo qoraalo shaki abuuray ka soo saartay doorashadii Madaxweyne Qoor-qoor

Urur goboleedka IGAD ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug, iyadoona qoraalka aan lagu soo hadal qaadin Doorashadii maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Qoraal ay soo saartay IGAD ayaa waxaa lagu sheegay inay si dhow ah ula socdaan xaalada maamul dhisida Galmudug tan iyo markii ay heshiis wada gaareen Galmudug iyo Ahlusunna, kaasoo ka dhacay Dalka Jabuuti.

IGAD ayaa bogaadisay dadaalada ay sameeyeen dhamaan dhinacyada kala duwan ee Galmudug, kuwaasoo lagu doonayay in lagu dhiso Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

Ururka ayaa guud ahaan dhinacyada isku haaya Galmudug ugu baaqay inay ka fogaan wax kasta oo sababi kara fowdo iyo rabshado, waxaana dhinacyada la faray iney Khilaafkood wadahadal ku dhameeyaan.

Qoraalka kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD laguma soo hadal qaadin Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, waxaana dhashay su’aalo iyo shaki ku saabsan arrintan hase ahaatee IGAD ayaa saacado ka dib soo saartay qoraal kale oo ay ugu hambalyeyneyso Madaxweyne qoor-qoor iyo ku-xigeenkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsato iyo Odayaal kasoo jeeda KG oo Garawe xaflad ugu sameeyay Aadan Madoobe (Sawirro)

Cabdi Cade

Khudbadaha Musharaxiinta K/Galbeed oo ka socda Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Degaan cusub oo lagala wareegtay Ahlu Sunna & Sababta loo furi la’yahay jidadka xiran

admin
Taboola Ads ---