Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin mindi ku hubeysan oo dhimasho & dhaawac ka geystay London (Sawirro)

Booliiska Britain ayaa sheegay inay nin mindi ku hubeysan ku toogteen Koonfurta magaalada London, iyagoo weerarkan ku sifeeyey fal argagixisnimo.

Waxay sheegeen in ninkan uu ugu yaraan laba qof ku weeraray mindi kuwaasoo ku sugnaa wado aad u mashquul badan oo ku taal degmada Streatham.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in nin watay abley ama mindi uu galay dukaan ka dibna uu dad ku weeraray.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ka soo baxay dukaankii uuna banaanka ku haweenay baaskiil wadata uu tooreydii uu ku duray ka hor intii aan laga hortagin.

Dhawaq rasaaseed ayaa la maqlay, iyadoo Booliiska sheegayaan in hadda xaaladda gacanta lagu hayo, waxaana weli iska soo daba dhacaya faahfaahinta weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee Garawe loogu soo dhaweeyay Madaxweyne Farmaajo

admin

Duqa Muqdisho oo magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya sababta barakacayaasha xoogga looga saaray Duleedka Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Ruto oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Kenya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---