Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hadlay go’aan ay soo saareen Guddiga qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo shalay lagu dhawaaqay.
Xubin katirsan Guddiga Qaban qaabada Doorashada ayaa Warbaahinta u sheegay in ay go’aansadeen in xilka Gudoomiyaha golaha Shacabka uusan u tartami karin Wasiir kahor inta uusan xilkaasi Wasiirnimo iska casilin.
C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in qof Wasiir ah uu u tartami karo xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka isagoo aan is casilin, waxa uuna meesha ka saaray go’aanka kasoo baxay Guddiga qaban qaabada doorashada Gudoomiyaha.
Waxa uu sheegay Xoosh in qofka Wasiirka ah uu u tartami karo xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxa uuna intaa raaciyay hadii qofkaasi ku guuleesto xilka Gudoomiyaha in toos uga dagayo kursiga Wasiirnimada.
”Sida ku cad ‘Qodobka 59aad xarafka (c) wuxuu farayaa in shakshi xildhibaan ah uu jago dowladeed oo ka baxsan Wasiirnimo uusan qaban karin, markii uu qabtana uu jagadaas tanaasul ka yahay, haddaba qof wasiir ah wuu tartamin karaa, isagoon is casilin, laakin maalinta Guddoomiye Golaha Shacabka uu noqdo, wasiirnimadii waa u dhamaatay”ayuu yiri Wasiirka Dastuurka .
Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili Guddiga qaban qaabada Doorashada ay shuruud uga dhigeen Wasiirada isku soo sharaxay xilka Gudoomiyaha in marka hore iska casilaan xilkaasi kahor inta aan araajida doorashada laga qaban.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com