Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah jidadka ugu burburka badan Muqdisho oo laami cusub la saarayo (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay wado 1.5 (Halkiilo mitir iyo bar) ah oo isku xirta saldhiga Bari ee degmada Cabdicasiis iyo wadada Mirinaayo iyadoo wadadaani ay sidoo kale hormarto xerada geediidka Booliiska iyo garoonka Stadium Eng Yariisow.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyada gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir ayaa goob joog ka ahaa daahfurka mashruucani iyadoo Wadadan uu dhagax dhigay duqa magaalada Muqdisho ay aheyd mid aad u burbur saneyd oo isticmaal keeda ay dhibaatooyin kala duwan ku qabeen gaadiidka iyo bulshada waxeyna ka mid tahay wadooyinka ugu mashquulka badan ee caasimadda maadaama ay isticmaalaan bulshada ku wajahan xeebta Liido iyo garoonka Stadium Eng Yariisoow.

Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis Mahdi faarax Cabdulle ayaa sheegay in bulshada reer Cabdicasiis ay aad ugu faraxsan yihiin dhismaha wadadaani.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa faahfaahiyay dhismaha wadadani lagu sameyn doono iyo mashaariicda socota, isagoo xusay in maamulka gobolka uu ku dedaalayo inuu dib u dhiso jidadka weli burbursan ee caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal culus oo ka dhacay degaan ku yaalla duleedka Balad-weyne & Al-shabaab oo..

Caydiid Ali

Goormaa Dilalka Qoorshaysan ee Birima-Geydada Heli Doonaan Caddaalad !!

Cabdi Cade

Sidee Munaasabada 1da Luulyo looga dabaal degay Magaalada Garowe? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---