Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/raxmaan C/shakuur: “Shakigii aan qabnay Maraykanka hadda ayuu cadaaday”

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dhaliilay hambalyadii uu Safiirka Mareykanka u fadhiya Somalia u diray Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inuu maanta cadaaday tuhunkii laga qabay dowladda Mareykanka isagoo si weyn ugu dhaliilay Beesha Caalamka iney taageerayaan ku tumashada madaxda dowladda ee Dastuurka, ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, burburinta dowlad goboleedyada iyo qodobo kale.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu kaga hadlay arrimahan kaasoo u qornaa sidatan:-

Soomaalida inteeda badan labo arrimood ayaa isku qaban la’a.

1- awood sheegashada Dowladda Federaalka ah iyo itaalkeeda inta uu la egyahay.

2- Sababta ay beesha caalamka uga aamusantahay ku tumashada madaxda dowladdu ku tumanayaan Dastuurka, ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, burburinta dowlad goboleedyada, colaad hurinta beelaha dhexdooda, weerarka mucaaradka, maadaama ay dowladdu ku taagan tahay cududda ciidan ee AMISOM iyo muruqa diblomaasiyadeed ee beesha caalamka.

Tuhun laga qabay dowladda Maraykanka waa jiray, laakiin tuhunkaas maanta ayuu caddaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Puntland oo shaacisay magacyada dad ay ciidamada Somaliland ku dileen Laascaanood

Cabdi Cade

Daawo la ogaaday inay caawiso bukaanada uu ku dhaco COVID-19 oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo Xiriirkooda soo celiyay iyo Qadar oo gacan ka geesatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---