Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug oo goordhaw la doortay

Waxaa goordhaw Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug magaalada Dhuusomareeb ku doorteen Madaxweyne kuxigeenka Maamulka maamulkaasi kadib doorasho xiiso badan oo dhacday.

Doorasho adag oo xamaasad leh oo ay isugu soo hareen wareega labaad labo Musharax ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleestay xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo helay 46-cod halka Musharax Cabdiqani Sh Cali diini isna helay 31-cod .

Maamulka Galmudug ayaana maanta yeeshay Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen ay aqoonsan tahay raalina ka tahay dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana horey xildhibaanada maamulkaasi u doorteen Gudoonka Baarlamaanka Galmudug.

Dhismaaha maamulka Galmudug oo mudo dheer  soo jiitamayay ayaa ugu dambeyn yeelatay Madaxweyne ,Madaxweyne kuxigeen iyo Gudoon Baarlamaan, waxaana la filayaa in dhawaan Madaxda cusub ee Galmudug lagu caleemo saaro magaalada Dhuusomareeb.

Doorashan maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ayaa kusoo aadeysa xili horey Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyana sheegteen in ay yihiin Madaxda saxda ah ee maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Yuusuf Garaad: “Doorashada dalka ka socotaa waxay qaadan doontaa laba sano”

Caydiid Ali

Soomaalida kunool magaalooyin kuyaala dalka Uganda oo Digniin adag loo diray

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin 75 jir ah oo isla guursaday gabar & hooyadeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---