Allbanaadir.com
NEWS

Labo kamid ah Musharaxiintii u taagneyd Xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo tanaasulay

Waxaa goordhaw shaaciyay in ay ka tanaasuleen in ay u tartamaan wareega labaad ee doorashada Maaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Saadaq Cabdullaahi Xaashi oo labaduba usoo baxay wareega koobaad ee doorashada.

Labadan musharax ayaana hoolka ay doorashada ka socoto ka shaaciyay in ay ka tanaasuleen doorashada in ay kasii qeyb galaan, waxa ayna cadeeyeen in ay ku qanacsan yihiin in ay walaalahooda u tanaasulaan

Waxaana Wareega ugu dambeeya Doorashada isugu soo haray labada Musharax ee kala ah Cali Daahir Ciid iyo Cabdiqani Sheekh Cali Diini, waxaana labadan musharax guuleesan doona midkii cod dheeraada wareegan ugu dambeeya.

Waxii Warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Iska Hor imaad Khasaaro geestay oo maanta ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Maxaa ka soo kordhay qaraxyadii ka dhacay B/weyne iyo khasaaraha ka dhashay?

Caydiid Ali

Puntland oo amar cusub ku soo rogay heyadaha caalamiga & kuwa Maxaliga ee Gobolka Mudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---