Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha maamulka Galmudug oo goordhaw la doortay (Yaa Ku guuleestay)

Waxaa goordhaw hoolka Shiirkolle ee xarunta KMG ee Baarlamaanka Galmudug ee magaalada Dhuusomareeb ka dhacday doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa, waxaana kursigan ku tartamayay afar Musharax .

Doorashada ayaa wareega koobaad waxaa ku guuleestay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor)oo helay codad gaaraya 66-cod halka Musharaxa kusoo xigay Cabdullaahi Axmed Samater uu helay 9-cod labada Musharax kale ayaa helay min hal cod.

Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa sheegay in Doorashada uu ku guuleestay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo helay in ka badan codadkii looga baahnaa in uu ku guuleesto wareega koobaad.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug waxaa noqday Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo horey loogu saadaalinayay in uu xilkan ku guuleesan doono, waxaana goordhaw la filayaa in Baarlamaanka Galmudug sidoo kale doortaan Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Doorashada kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Related posts

Ocboter- Bar kulmisay dhacdooyin badan oo Soomaaliya Xasuus ku leh

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo dalab adag hor dhigtay Xukuumada RW Abiy Ahmed

Caydiid Ali

Musharax  Nuur Ismaaciil oo dad dan yar ah Deeq Lacageed gaarsiiyay (Daawo Muuqaal)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---