Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Al-Shabaab oo lagala Wareegay degaano in muddo ah gacantooda ku jiray

Kooxda Macawisley ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegtay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla bariga gobolka Hiiraan.

Deegaanada Al-Shabaab lagala wareegay waxaa ka mid ah Hees Oroton iyo Madhooy oo hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan halkaasoo muddoyinkan dambe ay Al-Shabaab maamulayeen.

Warkan waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay Cabdiqaadir Axmed Maxamuud oo loo yaqaano (Bilig Bilig), oo sheegay in uu yahay Taliyaha Ciidanka Macawisley ee bariga Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa ugu baaqay ciidanka xoogga dalka iyo AMISOM in ay garab siiyaan dadka deegaanka ee iskood isku abaabulay inay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab dagaal la galaan sida uu yiri.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan howlgallo kala duwan ka sameeyay deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Buulo Burte iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka dhalan kara Siyaasadeynta Amniga Muqdisho iyo Wasiireynta Xildhibaanada ?

Cabdi Cade

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo dib ula wareegay degmada Bacaadweyn & Ciidankii Galmudug oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---