Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada AMISOM oo dad shacab ah maanta ku dilay magaalada Muqdisho

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa saakay meel ku dhaw Ex-Koontarool Balcad ee Degmada Hiliwaa lagula eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan oo khasaaro kala duwan kasoo gaartay dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta qaraxa lagula beegsaday gaadiidkooda

Inta la xaqiijiyay sadex qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay rasaasta ay fureen ciidamada AMISOM, waxaa sidoo kale dhaawacyo soo gaareen labo qof kale oo shacab ah oo iyana ku sugnaa aaga uu qaraxu ka dhacay.

Lama oga khasaaraha ciidamada AMISOM kasoo gaaray qaraxa miino ee saakay lagula eegtay meel ku dhaw Isgooska Ex-koontarool Balcad , waxaana aaga qaraxu ka dhacay daqiiqado badan ku sugnaa ciidamada la weeraray.

Ciidamada AMISOM ayaa inta badan qaraxyo miino lagula eegtaa laamiga Warshadaha, waxaana ciidmada AMISOM qaraxyada kadib rasaas xoogan ku furaan dadka shacabka ah ee ka agdhaw halka lagu weeraro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay kulan Fool ka fool ah oo dhax maray Siciid Deni iyo Axmed Karaash

Cabdi Cade

War cusub oo kasoo kordhay kiiska Imran Khan iyo Xaaskiisa

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar xoogan ku qaaday Ciidamo Mareykan iyo kuwa Soomaali ah oo ku sugnaa ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---