Waxaa saakay qarax miino lagu weeraray gaari uu la socday Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee degmada Kaxda Cabdinaasir Xasan Cali, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxan waxaa ku dhintay labo askari halka uu dhaawac kasoo gaaray Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee degmada Kaxda Cabdinaasir Xasan Cali, waxaana dhaawaca masuulkan la dhigay isbitaal xaaladiisa lagula tacaalayo.
War kasoo baxay goordhaw Al Shabaab ayey ku sheegatay masuuliyada qaraxaasi, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxa dhaawac culus kasoo gaaray gudoomiye kuxigeenka halka ay ku dhinteen labo kamid ah ilaaladiisa.
Qaraxan lagu weeraray masuulkan katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenley, laamaha amaanka ayaana wali ka hadlin qaraxan saakay lala eegtay Gudoomiye kuxigeenka degmada Kaxda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com