Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gabar iyada oo la gudayo Geeriyootay iyo Waalidiinteeda oo xabsi la dhigay

Gabar 14-sano jir ah ayaa geeriyootay xili lagu sameenayay Gudniinka loo yaqaan fircooniga, waxaana talabaadaasi keentay in xabsiga la dhigo waalidiinta gabadhaasi iyo dhaqtarkii gudniinka sameenayay.

Nada Abdul Maksoud ayaa la geeyay isbitaal gaar loo leeyahay oo kuyaala magaalada Asyut , waxaaa gabadhan xili lagu sameenayay gudniinka Fircooniga ah nafta ka baxday sida ay wariyeen Warbaahinta Masar.

Adeerka gabadhan yar ayaa ku war galiyay dhacdadan booliiska, waxa ayna ciidamada durba xireen hooyada iyo aabaha gabadhan geeriyootay iyo dhaqtarkii sameenayay gudniinka gabadha u geeriyootay.

Dalka Masar ayaa laga mamnuucay gudniinka fircooniga sanadkii 2018-kii, waxaana wali dalkaasi kamid ah yahay goobaha ugu badan ee gabdhaha loo gudo fircooniga iyadoo lagu saleenayo dhaqamo soo jireen ah.

Gudniinka fircooniga ah ayaa dhibaato badan ku haya haweenka loo gudo, waxaana meelo badan oo caalamka kamid ah hada ka socda olole balaaran oo lagu joojinayo gudniinkaasi oo haweenka dhibaatooyin badan ka dhaxlaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

War cusub oo ka soo kordhay qaar ka mid ah weriyeyaashii lagu xiray Somaliland

Caydiid Ali

Daawo:-Tartan Nuuc cusub ah oo loo qabanayo Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho !!

Cabdi Cade

Diblomaasiyadda Rooble iyo Dibna Qaniinka Farmaajo Ma Ka Badbaadin Doonaan Soomaaliya Muranka Itoobbiya iyo Masar?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---