Allbanaadir.com
NEWS

Erdgan oo shaaciyay Magacyada Dalal Carbeed oo taageersan Qorshe Khiyaano ah uu wato Trump

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyey qaar ka mid ah dalalka Carabta inay taageerayaan qorshaha Bariga Dhexe ee uu shaaca ka qaaday madaxweyne Donald Trump, taasi oo uu ku qeexay “Khiyaano Qaran.”

“Qaar ka mid ah dalalka Carabta ee taageeraya qorshaha noocan ah waxay sameynayaan Khiyaano Qaran oo ka dhan ah Qudus, shacabkooda iyo guud ahaan bani’aadannimada” ayuu Erdogan u sheegay madax goboleedyada xisbigiisa oo uu kula kulmay Ankara.

Erdogan oo ah hoggaamiye diinta ku adag, una ololeeya xuquuqda Falastiin, ayaa si gaar ah u magacaabay Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Masar, Baxreyn iyo Jordan.

“Gaar ahaan Sacuudi Carabiya, waad aamusan tihiin, goorma ayaad hadli doontaan? Waxaad eegtaa Jordan, Baxreyn iyo Imaaraadka, ayagana waa la mid,” ayuu yiri.

“Ceeb ha idinku dhacdo, sidee gacmaha u sacbinaya qorshahan ay u taageeri karaan?” ayuu yiri Erdogan.

Qorshaha Trump ee nabadeynta Israel iyo Falastiin oo loogu magac daray “Heshiiska Qarniga” ayaa magaalada Barakeesan ee Qudus u aqoonsanaya caasimadda aan la kala qeybin ee Israel.

Qorshahan ayaa sidoo kale dhigaya in dhammaan deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed ay kusii jiraan gacanta maamulka Israel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Talaabooyin lagu xoojinayo amniga Magaalada Muqdisho (Shaki laga qabo Wali Farmaajo)

Caydiid Ali

Bandhig Saddex cisho socday oo Jaamacadda Benaadir lagu soo gebagebeeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Sudan oo ogolaatay inay kala saarto diinta iyo dowladda iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---