Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Caruur walaalo ah oo gobolka Qoraxey ugu dhintay Mashaqo xanuun badan

Caruur ka kooban Saddex wiil oo hal qoys kasoo wada jeeda ayaa shalay galab ku dhintay Baraag biyaha lagu keydiyo ka dib markii ay ku dhaceen.

Wiilashan ayaa ka dhashay qoys reer guuraa ah oo ku nool deegaan lagu magacaabo Laascaano oo hoos taga degmada Shillaabo gobolka Qoraxey dowlad degaanka Soomaalida.

Labo ka mid ah Wiilasha dhintay ayaa isla dhashay halka kan 3aad uu la ilmo adeer ahaa labada walaalo, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay

Xongor Iraad Cabdi Diini oo 7-sano Jir ahaa, Jaamac Iraad Cabdi Diini 6-sano Jir ahaa iyo Saadaq Dhuxul Cali Cabdi Diini oo isna 4-sano jir ahaa.

Meydka seddaxda wiil ee isku reerka ahaa ayaa waxaa barkada ay ku dhaceen ka soo saaray dad biyo u soo doontay oo si lama filaan ah ula kulmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jilaa naxdin ka qaaday ciyaar looga badiyey Xulka dalkiisa oo geeriyooday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shariif oo Digniin culus kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Rabshadihii ugu xumaa Muddo sanado ah oo ka socda Paris

Caydiid Ali
Taboola Ads ---