Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne kuxigeen maanta lagu doortay Gaalkacyo

Waxaa maanta Koonfurta magaalada Gaalkacyo kulan ku yeeshay Xildhibaano uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xildhibaanada ku shiray magaalada Gaalkacyo ayaa Gudoomiye Baarlamaan u doortay Xareed Cali Xareed oo horey usoo noqday Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka koobaad ee Galmudug.

Waxa ay sidoo kale Xildhibaanada ku shiray magaalada Gaalkacyo Madaxweyne kuxigeen u doorteen Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye , Dooarshadan ayaana noqoneysa mid kale oo uga soo dartay xaalada Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa xilkiisa u tartamin waxa uuna sheegay in wali xilkiisa uga harsan yahay mudo labo sano ah uuna sii shaqeenayo, waxa uuna Xaaf u hambalyeeyay Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweyne kuxigeenka la doortay.

Galmudug ayaa hada yeelatay labo Madaxweyne oo kala ah Xaaf iyo Sheekh Shaakir , waxaa sidoo kale la filayaa in isbuuca soo socda magaalada Dhuusomareeb Madaxweyne loogu doorto Madaxweyne kale dowlada raali ka tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Qatar oo arrimo ay kamid tahay Shir ka dhacaya Mareykanka kawada hadlay

Cabdi Cade

Mss. Anna Tvinnereim & Wafdi ay horkaceyso oo booqasho ku timid Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Musharaxa Joe Biden oo haweeney Madow ah u xushay Madaxweyne ku-xigeenkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---