Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada federaalka oo Ciidamo badan maanta ka dejisay Degmada Luuq

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saakay diyaarado lagu geeyay degmadaasi ciidamo gaar ah oo katirsan booliiska federaalka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in saakay diyaarado lagu keenay degmada Luuq ciidamo katirsan booliiska sida gaarka ah u tababaran, waxaana ciidankan la dejiyay qeybo kamid ah degmada Doolow.

Wali lama oga ujeedka dowlada federaalka Soomaaliya ciidankan cusub u geysay degmada Luuq, waxaana horey dowlada sidan oo kale ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida u geysay degmooyin katirsan gobolka Gedo.

Dowlada federaalka ciidamada ka amar qaata ayaa hada gacanta ku haya inta badan degmooyinka gobolka Gedo oo horey uga talin jiray maamulka Jubbaland, waxaana degmooyinkaasi in ay tagaan loo diiday masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Egypt Air oo duulimaad toos ah ka bilowday Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Safiirka USA ee Somalia oo beeniyey war uu qoray Wargeys Itoobiyaan ah

Caydiid Ali

(Sawirro) Isbitaalka taqasusiga ee Dalmar oo daahfuray Qeybta cusub ee sifeynta Keliyaha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---