Allaha u naxariistee waxaa shaley oo taariikhdu ku beegneyd 29 Jan sanadkan 2020 magaalada Mogadishu lagu aasay Marx.Salaado Cabdule Xalane oo aheyd hooyada Gudomiyaha Salaam Somali BankĀ Cumar Cali Jumcale .
Maamulka iyo Shaqaalaha guud ee Salaam Somali Bank ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya guud ahaan eheladii ay ka geeriyootay Marxuumad Salaado Cabdulle Xalane gaar ahaan waxa ay tacsi u direen Gudoomiyaha Bangiga Salaam Cumar Cali Jimcaale.
Allah u naxariistee Marxumad Salaado Cabdulle Xalane ayaa la dhalatay Maxamed Cabdule Xalane oo ka tirsanaa ciidanka xooga Dalka oo kaalin weyn ka qaatay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhax maray sanadkii 1964-tii, waxaana Xalane lagu maamuusay bilada ugu sareeyda Somalia.
Dowladii Militariga aheyd ayaa Maxamed Cabdulle Xalane waxa ay ku maamuuseen in xerada tababarada ugu weyneed loo oqqon jiray Bootiko isaga loogu magac daro, waana xerada hada loo yaqaan Xalane Ee ku dhagan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com