Allbanaadir.com
NEWS

Tirada Soomaalida kunool gobolka uu ka dilaacay Caabuqa Coronavirus oo la shaaciyay

Dalka shiinaha qeybo kamid ah waxaa ka dilaacay caabuqa loo yaqaan Coronavirus, waxaana caabuqan Shiinaha ka dilaacay ku dhintay dad ka badan 130-qof halka kumanaan kalana lala tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Caabuqa Coronavirus ayaa ka dilaacay gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha, waxaana gobolkaasi la sheegay in ay ku nool yihiin dad Soomaaliyeed oo u badan arday wax ka barata Jaamacado kala duwan oo gobolkaasi kuyaala.

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa sheegay in gobolka Wuhan uu ka dilaacay caabuqa Coronavirus ay ku nool yihiin ku dhawaad 40-qof oo Soomaali ah una badan arday wax ka barata shan Jaamacadood.

Waxa uu sheegay Danjire Cawaale in dhamaan muwaadiniintaas ay caafimaad qabaan ayna tilmaamo caafimaad ka helaan hay’adaha caafimaadka ee caabuqan la tacaalaya, sidoo kalena xariir lasoo sameeyaan safaaradooda oo xili walba diyaar ula ah in ay caawiso.

Dad badan oo Ajaaniib ah oo kunool gobolka uu Caabuqan ka dilaacay ayaa durba halkaasi laga daad gureeyay, waxaana hada Soomaalida kunool Shiinaha lasoo darsay cabsi badan ay ka qabaan caabuqan halista badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo booqashadii ugu horeeysay ku tagay Degmada Kaxda (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

In ka badan 100-Maxbuus oo Cafis loo fidiyay Munaasabada Ciida Owgeyd

Cabdi Cade

Ciidanka dowladda oo fashiliyay qaraxyo kooxda Al Shabaab diyaariyeen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---