Allbanaadir.com
NEWS

Qaar kamid ah Kaamirooyinkii Dowlada ku xirtay Muqdisho oo saakay la qarxiyay

Waxaa saakay aroor hore magaalada Muqdisho gaar ahaan laamiga Maka Al mukarama mar qura laga maqlay qaraxyo miino , waxaana qaraxyadan qal qal badan ku abuureen dadka ku dhaqan hareeraha laamiga Maka Al Mukarama.

Qaraxyadan ayaa dhacay xiligii salaada subax waxa ayna dadku inta badan moodayeen in ay hoobiyaal yihiin, hasa ahaatee waxaa saakay la ogaaday in qaraxyada ahaayeen kuwa lagu qarxiyay kaamirooyin dowlada ku xirtay laamiga Maka Al mukarama.

Kaamirooyinkan saakay la qarxiyay goobaha ay ku xiran yihiin ayaa inta badan waxaa ku yaalay baro koontarool ay joogaan ciidamo booliis ah, lamana oga sida sahlan ee goobahaasi loo dhigay qaraxyada miino.

Dowlada Soomaaliya ayaa kaamirooyinkan ugu xirtay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho si ay qeyb uga noqdaan amaanka laguna socdo dhaq dhaqaaqa laamigaasi ka jira

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Muxuu Madaxweyne Saciid Deni kala hadlay xubnaha Puntland ku metela DF?

Caydiid Ali

Turkiga oo gacan weyn ka geesanaya xalinta Khilaafka ka taagan Doorashada Soomaaliya

Cabdi Cade

Abaanduulihii dhowaan loo magacaabay guutada 12-ka Apriil & Saraakiil kale oo qarax lagu dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---